Allbanaadir.com
NEWS

Iska Hor imaad goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya uu ka dhacay Isgooska Howl Wadaag, waxaana iska hor imaadkan ka dhashay Khasaaro soo gaaray Ciidamada dagaalamay.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada dagaalamay ayaa kawada tirsanaa booliiska iyo Nabad sugida dowlada, waxaana iska hor imaadkaan daqiiqado kooban ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Howl-Wadaag.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ciidamada dagaalamay ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka, waxaana iska hor imaadka saameyn ku yeeshay ganacsigii ka jiray isgooska Howl-Wadaag.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo iska hor imaadkan goordhaw ka dhacay Isgooska Howl-Wadaag, waxaana ciidamada dagaalamay fariisimo u kala ahaa Saldhiga booliiska Howl Wadaag iyo Isgooska Howl-Wadaag.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana iska hor imaadyada mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Ammar cusub kusoo rogay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Boosaaso oo kacsan iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---