Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha taliyayaasha amniga Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda intii ay socdeen doorashooyinkii Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Axmed Qoor Qoor ayaana faray taliyaasha amniga in ay ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna sheegay in maamulkiisa muhiimad weyn siin doono amaanka.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa bilihii ugu dambeeyay ka shaqeenayay amaankeedana gacanta ku hayay ciidamo kala duwan oo dowlada federaalka Soomaaliya ka keentay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -