Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Garawe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Axad ah ka soo degey garoonka cusub ee caasimadda Puntland ee Garoowe. Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Wasiiro, Xildhibaano la-taliyaal iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Madaxda Puntland oo u horeeyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka, Xildhibaanada Puntland, golaha xukuumadda, ganacsato, culimada haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee Puntland, Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatey ciidanka bambeyda waxaana ay u garaaceen heesta calanka.

Diyaarada Ocean ee siday Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa noqotay tii ugu horeysay oo soo cago dhigata Madaarka Caalamiga ah ee Garowe International Airport.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socod lug ah ku maray barxada farasmagaalaha Garowe isagoo u mahadnaqay shacabka Puntland sida diiran oo ay usoo dhaweeyey.

Jidadka magaalada Garoowe waxaa isugu soo baxay dadweynaha caasimadda ku dhaqan kuwaas oo ku dhawaaqayey Farmaajo soo dhawoow, waxaana qaarkood xirnaayen astaantii uu olalaha doorashada ku galay ee Danta Dalka iyo Dadka halka qaar kale ay xirnaayeen halkudhigga ah Nabad iyo Nolol.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Puntland ku sugnaan doona shan maalmood, waaana safarkii ugu dheeraa ee uu ku qaato meel ka baxsan caasimadda Muqdisho ee isla gudaha dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan horey u imaan Puntland markii uu ahaa Raysalwasaaraha 2010-2011, waxaana safarkaani noqonayaa kii u horeeyey ee Puntland ku yimaado tan iyo intii xilka ka qabtay dalka Soomaaliya, iyadoo soo dhaweyntiisa Garowe ay noqotay midii ugu balaarneyd oo loo qabto safaradii uu ku tagayey gobalada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -