Madaxweyne Qoor Qoor oo ku dhawaaqay 5-Kursi oo katirsan Golaha Shacabka oo la dooranayo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlay xaflad casho sharaf ah oo magaalada Dhuusomareeb loogu sameeyay Ra’isul Wasaare Rooble ayuu ku dhawaaqay in si deg deg ah u bilaabayaan doorashada Golaha Shacabka.

Qoor Qoor ayaa sheegay in shanta kursi ee ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka maalmaha soo socda lagu qabanayo deegaanada Galmudug, waxa uuna cadeeyay in markan waxii ka dambeeya doorashada si toos ah loo guda galayo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaana xusay in ay calaamadeesan yihiin shanta kursi ee ugu horeeya doorashada Golaha Shacabka, waxa uuna ugu baaqay guddiga doorashada in ay ku dhawaaqaan doorashada kuraasta calaamadeesan.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saartay maamul goboleedyada iyo Xukuumada federaalka dedejinta doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka oo marar badan dib u dhac ku timid shaki siyaasadeedna abuurtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -