Labo Markab oo isku dhacay iyo Khasaaro xoogan oo ka dhashay (Daawo Sawirada)

Markab nuuca Shidaalka qaada oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa ku dhacay Markab kale oo nuuca xamuulka qaada ah oo marayay Biyaha Wadanka Shiinaha , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 300km u jirta xeebta magaalada Shanghia ee dalka Shiinaha, waxaana dab xoogan uu qabsaday markabka laga lahaa dalka Iran ee shidaalka u waday Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa baadi goob xoogan loogu jiraa nolol iyo geeri 32-qof oo saarnaa Marakabka Iran laga leeyahay ee shilka ku gubtay, waxaa sidoo kale wali gubanaya markabka Shidaalka waday ee Sanchi.

Cabsi ayaa laga qabaa in Markabka Shidaalka waday ee gubanaya in shidaalka saaran badda ku daato uuna soo gaaro xeebta, waxaana socda dadaalo lagu doonayo lagu damiyo dabka markabka qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -