Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Nabad Sugida oo soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab

Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool, ayaa maanta soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay kasoo goosteen dagaalyahannada Al Shabaab oo ay katirsanaayeen.

Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur (Siid Cali) iyo Aadan Isaaq Aadan oo muddo shan sanno katirsanaa Al Shabaab ayaa si iskood ah isugu soo dhiibay kooxda Al Shabaab, waxa ayna ka faa’iideesteen cafiska dowladda u fidisay.

Labadan nin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen Jabhadda Al Shabaab, waxayna xuseen inay ka qeyb qaateen dhawr dagaal oo Al Shabaab la galeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulada dalka ka jira.

Xubnaha Al Shabaab kasoo goosnaya iskuna soo dhiibaya dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa sii kordhaya muddooyinkan, dowladda ayaana diyaarisay xarumo lagu dhaqan-celinayo xubnaha Al Shabaab ee soo goosta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo sheegtay in xiligan aysan wadahadal la furi karin Somalia (Sababaha)

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somalia oo cadeesay in aysan Gor gortan ka galeyn Kiiska Dacwada Badda

Cabdi Cade

Baarlamanka Puntland oo qaaday talaabo uga sii dareysa xiisada ka taagan Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---