Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaare caan ah iyo Xaaskiisa oo Maxkamad la soo taagayo

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara wajahaya maxkamadeyn ka dib marikii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush sida ay sheegeen Booliska Israa’iil

Labadoodaba waxaa lagu tuhunsan yahay iney xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa.

Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymahaas balse Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go’aan ka gaaro in kiiskan loo gudbiyo maxkamadda iyo in kale.

Booliska Israiil iyo mas’uuliyiinta laamaha amaanka ayaa sheegay in la helay caddeymo xoog badan oo horseedaya in dacwad la xiriirta musuqmaasuq lagu soo oogo Mr Netanyahu iyo xaaskiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo xiray Wiilal iyo gabdho jirdil u geestay Wiil kaddibna Muuqaal ka duubay

Cabdi Cade

Degmada ugu yar Muqdisho oo hantiday Koobka K/Cagta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo abaal marin u bixiyey gaadiid cusub & kumanaan Dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---