Kulan Xasaasi ah oo caawa ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya (Yaa ka qeyb galaya)

Kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya , Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo kuxigeenadiisa iyo Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan aqalka Madaxweynaha.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka caawa ka socda Madaxtooyada ayaa looga arinsanayaa arimo xasaasi ah ay kamid tahay sidii xal loogu heli lahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaan ku qanacsaneyn kala dirista Guddiga maaliyadda, waxaana Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha la sheegay in Mursal ku qancinayaan in uu aqbalo kala dirista guddiga si looga fogaado xiisad siyaasadeed.

Kulanka caawa ka socda Madaxtooyada Soomaaliya oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa adag in laga helo xogo badan, waxaana xubno kusugan Madaxtooyada laga soo xigtay in kulanka looga arinsanayo kala diristii guddiga Maaliyada iyo Doorashada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka ayaa kala diray Guddiga maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee golaha shacabka, waxaana xiliga guddigan lakala dirayay Gudoomiye Mursal ku maqnaa dalka dibadiisa.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa laga sugayaa in uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga maaliyada ee golaha shacabka oo dhawana soo saaray Warbixin muran badan dhalisay kana careesiisay Xukuumada Soomaaliya .

Waxii warar ah ee kusoo kordha kulanka Madaxtooyada kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Niarobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -