Madaxweyne Caan ah oo markii ugu horeesay Safar ku tagay Kuuriyada Waqooyi 

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa markii ugu horeysay socdaal rasmi ah ku tagay dalka go’doonka siyaasadeed ku jira ee  Kuuriyada Waqooyi, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.

Xi Jinping iyo Wafdiga la socday waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi iyo madax kale, waxaana la filayaa in madaxda labada dal ay yeeshaan kulamo gaar ah.

Safarkan uu Kuuriyada Waqooyi ku tagay Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo 14-sano kadib Madaxweyne Shiinees ah ku tago dalkaasi, waxaana sii xoogesanaa Xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan u dabaal-degaya sanadguuradii 70aad ee xiriirka diblumaasiyeed ee ka dhaxeeya labada wadan, Shiinaha ayaana horey Kuuriyada Waqooyi uga taageeray dagaal ay la galeen Mareykanka .

Hogaamiyaha Kuuriada Waqooyi Kim John Un ayaa dhowr mar booqashooyin ku tagay dalka Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi ayaana saaxiibka ugu dhaw ee hada leedahay lagu tilmaamay dalka Shiinaha oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -