Allbanaadir.com
NEWS

Tirada geerida dhulgariirka Myanmar oo labo kun dhaaftay (Sawirro

Ku dhawaad ​​24 saacadood ayaa laga joogaa markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay Myanmar, iyadoo saameyntiisa laga dareemayo ilaa dalka ay jaarka yihiin ee Thailand.

Dowladda Myanmar ayaa hadda ku dhawaaqday in ay sare u kacday tirada dhimashada – hadda waxa ay maraysaa 2,002, iyadoo 2,376 ay ku dhaawacmeen.

Inta badan dhimashada ayaa xuddun u ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Mandalay, taasoo ku dhow xudunta dhulgariirka.

Hawlgallada samatabixinta ayaa socda, iyadoo mid ka mid ah kooxaha samatabbixinta ee Mandalay uu sheegay inay “dadka ku qodayeen gacmahooda”.

Dhismayaasha ku dumay Kyaukse, ee gobolka Mandalay, waxaa ka mid ah dugsiga xannaanada ee West Mye Mye Kyi.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in saaka la helay meydadka 12 caruur ah oo wax ku baranayay dugsiga barbaarinta iyo macalinka.

In badan ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin dhismaha dumay, waxaana fursadda badbaadada ay sii xumaanayaan waqti ka dib.

Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ku dhawaad ​​50 caruur ah iyo lix macalin la la’yahay ka dib markii uu dumay dhismaha.

“Tirada dadka dugsiga ku dhawaad waa 50, laakiin kaliya waxaan haynaa liiska tirada dadka la daadgureeyay, kaliya waxaan soo saarnay 13 meyd ah,” ayuu yiri xubin ka tirsan kooxda badbaadada.

Maamulka Biyo xireenka Kyaukse, Laanqeyrta Cas, iyo kooxaha gargaarka bulshada ayaa gacan ka geystay samata bixinta. Magaalada Kyaukse, guryo iyo dukaamo ayaa sidoo kale ku dumay dhulgariirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Daawo Sawirro) Dab xooggan oo qabsaday daarta Trump Tower & Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ka soo horjeestay go’aankii Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---