Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl Wadaag.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa miino wadada dhinaceea la dhigay, waxa uuna ka dhacay meel wax yar u jirta Isgooska Baar Uba gaar ahaan afaafka hore goob Maaajid laga dhisayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo laamiga baabuur ku mareysay iyo kuwa kale oo ku sugnaa , waxaana dadka waxyeeladu qaraxa kasoo gaartay loola cararay xarumaha caafimaadka.

Lama oga cida lala beegsaday qaraxan oo dhacay daqiiqado yar kahor, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd goob mashquul badan mar qura lagu kala cararay markii uu qaraxu dhacay, waxaana goobta soo gaaray ciidamo booliis ah oo ka agdhawaa .

Qaraxan ayaa imaanaya xili ay inta badan xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho ayna ka howl galayaan ciidamada amaanka, waxaana qaraxan sidoo kale kusoo aadaya xili Baarlamaanka maanta dood ka leeyahay amaan darada kusoo korortay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi hore & walaalkiis oo toos loo toogtay iyagoo shir jaraa’id ka hadlaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dal Yurub katirsan oo ka digay Saameyn ka dhalaneysa dagaalka Israel iyo Xamaas

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo shacabkeeda u fasaxday isticmaalka xashiishka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---