Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga & dalal kale oo ku dhawaaqay iney beri tahay Ciid

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhow shaacisay iney la arkay bisha Shawaal 1446, maalinta beri oo axad ahna ay tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada sare ee sacuudiga ayaa lagu sheegay in bisha Shawwal laga arkay degaano ka tirsan Sacuudiga sidaas awgeedna ay berri oo Axad ah 30-ka Maarso sanadka 2025ka ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fitriga.

Sidoo kale Qatar & Imaaraadka & dalal kale ayaa ku dhawaaqay iney beri tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin iney beri tahay Ciid & in kale inkastoo warbaahinta DF ay ka codsatay shacabka in qofkii arka uu soo sheego.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Go’aankii DF ku joojisay Tiktok iyo aalado kale oo caawa dhaqan geli waayey

Caydiid Ali

Cali Cosoble oo Fariin Cajiib ah u diray Beeshiisa oo diidan Madaxweyne Cali Guudlaawe

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo maanta Su’aalo adag lagu weydiin doono magaalada Geneva

Cabdi Cade
Taboola Ads ---