Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ka soo horjeestay go’aankii Maxkamada ICJ

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali ka mida garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa dhaliilay go’aankii ay maxkamadu ka soo saartay dacwadii badda ee Somalia ee Kenya

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa sheegay in in go’aanka ka soo baxay maxkmadda ee ah qaloocinta ay ku sameysay xariiqii toosnaa ee ay u xukuntay Soomaaliya, sidaasina xuduud badeed lagu siiyey Kenya aysan sharci ahayn, ayna tahay mid ay Maxkamadda ku hareer martay sharciyadeedii iyo go’aano hore ay u soo saartay.

Qoraal uu soo saaray Garsoore Cabdiwaqi ayaa waxaa uu ku sheegay in Maxkamadda ku hareer martay sharciyadeedii iyo go’aano hore ay u soo saartay, isla markaana aysan cadaalad iyo sharci ahayn in Kenya ay Maxkamadda siiso dhul badeed aysan xaq u laheyn iyadoo la cuskanayo bad ciriiri kasoo wajahay heshiis ay iskeed ula gashay dalka Tanzania oo ay ku weysay xuduud Bad oo dhan 25,000 Miles.

Maxkamadda Cadaalladda Adduunka ee ICJ waxaa ay Soomaaliya inta badan u xukuntay inay leedahay Dhul badeedkii ay muranka gelisay Kenya, waxaana go’aankaas kasoo horjeestay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -