Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Asad Diyaano oo xariga ka jaray xarun muhiim ah oo dib u habeyn lagu sameeyay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.

G/le Maxamed Cismaan Xirsi(Hindi) oo ah Taliyaha Hogaanka Gaadiidka oo dhawaan xika loo magacaabay ayaa muddo kooban shaqada Hogaanka derdergelin ku sameeyey ,isagoo ka duulaya dhaqan gelinta amarkii Taliyaha ee ahaa qurxinta Xafiisyada shaqada iyo Tayeynta Ciidanka Boliiska .

Taliyaha Booliiska Jeneraal Asad Diyaano oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay in la qurxiyo Xafiisyada lagu hayo shaqada Ciidanka iyo kuwa Bulshada loogu adeego maadama ay qeyb ka yihiin qorshayaasha cusub ee lagu hagayo Ciidanka Boliiska.

Waxa kale sheegay taliyaha in sidaan oo kale loo qurxin doono xarumaha kale ee booliiska ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyay in is beddelo badan la arki doono inta uu xafiiska joogo.

Related posts

Xamse Barre oo sheegay in xukuumadiisu soo nooleyneyso afar arrimood (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin doonaya inuu dhisto guri qurux badan oo u eg Markabka Titanic (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir u soo gebageboobay Wasaaraddaha Caddaalada DF & dowlad goboleedyada (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---