Shir u soo gebageboobay Wasaaraddaha Caddaalada DF & dowlad goboleedyada (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqidsho ku soo gabagaboobay Shirka Wadatashiga Wassaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo muddo laba maalin ah ka socday magaalada Muqisho.

Shirkaan oo ay u jeedadiisu ahayd dardargelinta arrimaha hortabinta u leh Caddaladda & Asluubt, Dib-u-Eegista Dastuurka iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa Madashii ay ku midaysnaayeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka (DXF) ayaa waxa laga soo saaray War-Murtiyeed.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DXF waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu horrayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wasirada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DXF ka soo qayb galkooda kulanka isaga oo xusay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqaynta labada heer ee Dowladeed. Sidoo kale, Wasiirka ayaa hoosta ka xarriqay in kulanka uu aasaas u yahay dib u soo noolaynta wada shaqayntii ka dhaxaysay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka labada heer si loo dardar geliyo loona dhammaystiro howlihii Socday.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsady in waxa ay ka shaqynayaan ay tahay sidii loo heli lahaa Soomaali heshiis ah, Soomlaai hal.

“ Waxaa nalo xilsaaray in aan ka shaqayno Soomaali Heshiis ah iyo Caddaalad midaysan oo la isku hallayn karo” Xasan Macalin Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Dhanka Kale, Wasiirada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DXF ayaa ka mahadceliya Soo dhowaynta iyo dib u bilaabidda xiriirkii wada shaqayn ee u dhexeeyay Wasaaradaha. Sidoo kale, Wasiirada ayaa xusay in ay si dhow ula shaqayn doonaan Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Gabagabadii, shirka waxaa Ka soo baxay War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo Wada saareen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DXF

- Advertisement -