Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo sheegay in xukuumadiisu soo nooleyneyso afar arrimood (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Wax soo saarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka

Waxaa uu xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Baladweyne iyo kulamo xasaasi ah oo socda

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo la kulmay danjire todobaad ka dib sxafiiska baneynaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---