Maxkamada ciidamada oo Xukun adag ku riday Xukun Xasan Abshir (Daawo Sawirada)

Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday askari katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya oo la qabtay isaga oo dhac ka geesanayay Suuqa Bakaaraha.

Xukun Xasan Abshir ayaa kamid ahaa ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugnaa Aaga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana askarigan la sheegay in uu kasoo dhuuntay ciidankii uu katirsanaa kadibna dhac ka bilaabay Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa askarigan burcadka ahaa ka soo qabtay suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Howlgalkii lagu qabanayay askarigan waxaa ku dhintay nin kale oo burcad ah oo la socday, waxaa sidoo kale ciidamada amaanka ka baxsaday walina baadi goob ugu jiraan nin kale oo burcadka la socday.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

Maxkmada Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in askarigan xukunka lagu riday uu racfaan ka qaadan karo hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -