Dowlada oo War kasoo saartay Howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgalo khasaaro dhaliyay oo ciidamada dowlada Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay.

Howlgalka oo shalay oo Jimco ah ka dhacay gobolka Baay deegaano katirsan ayaa dowlada sheegtay in lagu dilay sagaal xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab oo isugu jiray Horjoogayaal iyo dagaalyahano .

War Saxaafadeedka dowlada soo saartay ayaa u qornaa sida tan:

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -