Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni: “Shirkan wuxuu ku soo aaday xili muhiim ah oo aad loogu baahnaa”

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa daahfuray madasha aragti wadaagga ee maxadka Heritage oo hadda Garoowe ka furmay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysey ee Soomaaliya lagu-qabto.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaaliyeed ay kulmaan, isla markaana ay wadahadlaan, isagoo rajo ka muujiyay shirka iyo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Siyaaasiyiinta kala aragtida duwan ee shirka ka qeyb-galeysa.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xili muhiim ah oo loo baahnaa, isla markaana ay falanqeyn doonaan arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah uu xiligan marayo dalka.

Waxaa uu  si kulul u weeraray madaxda DF ee xilka heysa oo uu sheegay iney abuureen walaac dad badan qabaan oo ah in dalku galo xaalad hubaal la’aan ah.

Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho & khubaro Turki ah oo ka wada hadlay Mashaariic laga fulinayo caasimadda

Caydiid Ali

Booliiska Somaliland oo Qiil yaab leh u sameeyay xarriga Wasiir Axmed Muumin Seed

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay Liiska Masuuliyiinta Mareykanka kusoo rogay xayiraada Socdaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---