Allbanaadir.com
NEWS

11 ka tirsan darawalada tagaasida ee dalka Koonfur Afrika oo hal goob lagu laayey

Ugu yaraan 11 ka tirsan darawalada tagaasida ayaa lagu laayey dalka K/Afrika, kadib markii nin hubeysan uu rasaas la beegsaday gaari mini bas ah oo ay la socdeen, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska dalkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay Darawalada tagaasida ee la laayey ay ku sii jeedeen guryahooda ka dib markii ay ka soo laabteen aaska nin saaxiibadood ahaa oo dhintay .

Weerarkan oo u dhacay si gaadmo ah ayaa lagu waramayin laga fuliyay gobolka KwaZulu-Natal, lamana oga sababta rasmiga ah ee falkan ka dambeysa inkastoo wararka qaarkood sheegayaan inuu salka ku hayo shaqaaqooyin u dhexeeya darawalada tagaasida oo gobolkaas ka taagnaa.

Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii lagu weeraray gaarigaasi ayaa la xaqiijiyay inay liidato xaaladdooda caafimaad, lana dhigay Isbitaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

K/Afrika oo codsi ka dhan ah Israel oo deg deg ah hor dhigtay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo Dacwad ka dhan ah xasuuqa Gaza ka gudbisay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---