Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo lagu soo dhaweeyay magaalada London (Daawo Sawirada)

Magaalada London ee caasimada dalka Britain waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan .

Xubno kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada London gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Degmada Dayniile ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog wareysi u sameeyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo ah Siyaasi dhalinyaro ah oo ka hadlay kulanka soo dhaweynta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Ganacsade Cabdi Cali Faarax kusoo dhaweeyaan magaalada London kana xog wareestaan xaalada dalka.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in Ganacsade Cabdi Cali uu yahay halyey wax badan usoo qabtay dalka iyo dadka , waxa uuna xusay in ay Soomaali badan ku xasuustaan Maraakiibtii uu u diray dalka Yaman ee lagu soo daabulay Soomaali badan oo halis ku jiray.

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay kulanka soo dhaweynta ayaa aad u bogaadiyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ay sheegeen in uu yahay nin hantidiisa iyo nafiisa u huray dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ka hadlay kulanka lagu soo dhaweenayay ayaa aad ugu mahad celiyay Jaaliyada , waxa uuna sheegay in dalka xaalada hada uu marayo wax badan ka fiican yahay xaaladihii horey uu usoo maray.

Cabdi Cali Faarax ayaa sheegay in Muqdisho ka socdaan horumaro badan gaar ahaan Degmada Dayniile uu sheegay in isbadal weyn laga dareemay markii Jacfar Gudoomiye looga dhigay

Waxa uu ugu baaqay Jaaliyadaha kunool qurbaha gaar ahaan kuwa Dayniile kasoo jeeda in ay gacan ka geestaan horumarinta degmada , waxa uuna ka codsaday in dalka dib ugu laabtaan kana fuliyaan Degmada ay kasoo jeedaan Mashaariic horu marineed.

”Dal walbo dadkiisa ayaa dhisa oo wax ka dhiga, dalkiina ka shaqeeya horumarkiisa gaar ahaan Degmada Dayniile oo hada isbadal weyn laga dareemayo kana jiraan horumaro, dhulkiina adinkaa leh hadii aad wax ka dhigi weysay waayo cida wax idiin qabaneysa” Ayuu yiro Ganacsade Cabdi Cali .

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ah samafale Soomaaliyeed ayaa dalka Yaman markii colaada ka qaraxday waxa uu u diray Maraakiib uu leeyahay oo lagu soo bad baadiyay Nolosha kumanaan Soomaali ah oo halis ugu jiraan in dalkaasi ugu dhintaan colaad iyo gaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -