Gaas oo Xeer Madaxweyne kusoo saaray Jadwalka Doorashada Puntland iyo Xulista…

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray Digreeto Xeer Madaxweyne oo ku saabsan soo xulitaanka Golaha Wakiiladda  Puntland.

Digreetada kasoo baxay Madaxweyne Gaas ayaa lagu faray Beelaha ku dhaqan Gobolada Puntland in ay u soo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka, una soo gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in kulanka ugu horeeyo golaha Wakiilada Puntland uu dhici doono 01/01/2019, ayna dooran doonaan ilaa 6-da Janaayo Gudoonka Golaha, halka Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay dhaceyso 08/01/2019.

Halkan ka Akhriso Digreetada Gaas soo saaray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -