Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si kulul uga hadlay ciidamo maanta dowlada Federaalka geysay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay joogaan ciidamo ku filan amaanka magaalada iyo tan doorashada, waxa uuna xusay in aan loo baahneyn in ciidamo kale la geeyo magaaladaasi.

”Waxaan u maleenayaa in Ciidamo amaanka Baydhabo iyo doorashada ku filan ay joogaan deegaanka, wax kale  oo dheeri ah cidii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Hadalka Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Baydhabo diyaarado lagu geeyay ciidamo aad u hubeesan oo laga diray magaalada Muqdisho.

Ciidamada maanta la geeyay magaalada Baydhabo waxaa sidoo kale ka hor yimid Xildhibaano katitsan golaha Shacabka Soomaaliya, waxaa sidoo kale ciidamadan shaki ka muujiyay Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -