Xildhibaanada Murusade oo diiday ka qeyb galka kulan uu Madaxweyne Xasan ku casuumay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka , kulamadan ayuuna madaxweynaha taageero ugu raadinayaa xukuumada lasoo dhisayo.

Xasan Sheekh ayaa xalay kulan gaar ah ku casuumay xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Galmudug, waxaana kulankan aan soo xaadirin kana biyo diiday xildhibaanada kasoo jeeda beesha Murusade.

Sida aan wararka ku heleyno Xildhibaanada beesha Murusade ayaa ka biyo diiday shaqsi uu Madaxweyne Xasan Sheekh la doonayo in uu siiyo Wasiirka beesha Murusade , kaa oo aan katirsaneyn xildhibaanada lgolaha shacabka.

Xildhibaanada beesha Murusade ayaa wararku sheegayaan in aysan raali ka aheyn in shaqsiga wasiirka noqonaya laga soo xulo qof iyaga ka baxsan, waxa ayna u cadeeyeen Madaxweynaha in aysan taageereyn qof iyaga ka baxsan.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada beesha Murusade si weyn uga soo horjeedaan in xildhibaan hore Xasan Macalin la siiyo booska wasiir ee beesha Murusade ku leedahay xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu kula kulmo kuna qanciyo Xildhibaanada beesha Murusade, lamana oga doodmada xildhibaanadan saameynta ay ku yeelan doonto shaqsida Xasan Sheekh la rabo wasiirka beesha Murusade.

Wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda Soomaaliya ayaa u badan kuwa lagu soo xulayo saaxiibtinimo iyo in ay wax kasoo dhiseen Madaxweyne Xasan Sheekh intii ay socotay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -