Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Magacaaban ee Arimaha Dibadda oo goordhaw soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muwqdisho kasoo dega Wasiirka Magacaaban ee Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa aad uga mahad celiyay sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay, waxa uuna codsaday in lagala shaqeeyo Shaqada qaran ee loo igmaday, waxa uuna balan qaaday in wax badan qaban doono.

Dhawaan ayaa la filayaa in xilka si rasmi ah ula wareego Wasiirka Magacaaban ee Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya, waxaana wasiirka la magacaabay 4-tii bishan kadib markii xilka laga qaaday Wasiir Yuusuf Garaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Wasaaradda arrimaha Dibadda oo korontada laga jartay iyo Shaqadii oo istaagtay

Cabdi Cade

DEG DEG: Abaanduule ka tirsan cidanka Somaliland oo lagu dilay dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Saanad loo waday Al-Shabaab oo u gacan gashay ciidamada Xoogga dalka & sarkaal ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---