Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Abaanduule ka tirsan cidanka Somaliland oo lagu dilay dagaalka Laascaanood

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalka illaa saaka waaberigii ka socda Laascaanood

G/lle dhexe Axmed Faarax Dacar oo ahaa Abaanduulihii Guutada Dhufsade ee ciidamada Somaliland ayaa la soo werinayaa inuu ku geeriyooday dagaalka.

Sarkaalkan ayaa lafdhabar u ahaa howlgelinta ciidanka Somaliland ee ka dagalamaya Laascaanood.

Sidoo kale 12 askari oo ka tirsan ciidamada Somalland ayaa ku dhintay dagaalka kuwaasoo meydadkooda lagu soo bandhigay muuqaalo la wareejinayo baraha bulshada.

Dhaawacyo  kala duwan oo yaalla Isbitaalada kala duwan ee magaalada ayaa u baahan dhiig kala duwan oo deg deg ah, iyadoo maamulada goobaha caafimaadka ay dalbanayaan dad dhiig shuba in la helo, waxay sidoo kale sheegayaan iney gabaabsi ka yihiin dawooyika ka dib markii ay tiro beeleen dhaawacyada la gaarsiinayo isbitaalada.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH

Related posts

(Sawirro) Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka

Caydiid Ali

Duq Magaalo ka tirsan Yurub oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dibed-baxayaasha Maraykanka oo iloobay hal arrin oo naftooda halis ku ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---