Ciidamada AMISOM oo rasaas khasaaro geesatay ku furay shacab banaan bax dhigayay

Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaasi ka dhaceen dibad baxyo looga soo horjeeday maamul cusub uu Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle usoo magacaabay Degmada Buulo Burte.

Dadka dibad baxa dhigayay ayaa la sheegay in ay si weyn uga soo horjeedeen Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle oo marar badan isbadal ku sameeyay maamulka Degmada Buulo Burte.

Sida aan wararka ku helnay dadka dibad baxa dhigayay ayaa dhagxaan iyo geedo ku jiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Buulo Burte, waxaana la sheegay in mararka qaar dadkaasi dhagxaan tuurayeen.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa in rasaas ku fureen dadka dibad baxa dhigayay, waxaana rasaastaasi ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray dad kamid ahaa dibad baxayaasha.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, waxaana shacabka iyo Odayaasha degmadaasi kasoo horjeedaan hab dhaqanka Wasiirka arimaha Gudaha maamulka Hirshabelle.

 

- Advertisement -