(Sawirro) Axmed Madoobe iyo Feysal Cali Waraabe oo kulan ku yeeshay Nairobi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland.

Labada Mas’uul ayaa booqasho ku joogay maalmahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Lama oga in kulankan uu ahaa mid qorsheysan iyo in labada masuul ay si kama ah iskugu arkeen hotelada magaalada Nairobi.

Feysal Cali Waraabe ayaa ka mid ah xubnaha ugu cad-cad mucaaradka Somaliland, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta sida kulul u dhaleeceeya Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa.

Axmed Madoobe ayaa isna ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee sida weyn ay isaga soo horjeedaan dowlada federaalka ka dib markii dowladu diiday dib u doorashadiisii  oo muran badan uu ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -