Wasiirada Maamulka Galmudug oo amar cusub la siiyey & khilaafka oo faraha ka baxay

Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu amray inay deg deg ku tagaan magaalada Cadaado iyadoo khilaafka Madaxda Galmudug uu haatan gaaray meel aan waxba laga qaban karin.

Qoraal ka soo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Carabey ayaa lagu amray Wasiirada Galmudug inay deg deg u  tagaan Magaalada Cadaado si howlaha maamulka Galmudug loo dardar geliyo.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo shalay ku shiray Cadaado ay sheegeen iney xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Arintan ayaa jawaab u aheyd kulan Xildhibaano taageersan Xaaf ku qabteen Dhuusamareeb oo lagu shaaciyey in xilka laga qaaday guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Caasir.

Khilaafka labada dhinac ayaa hadda maraya marxalad ay adag tahay in wax laga qabto, waxaana soo baxday in madaxda Galmudug aysan wada shaqeyn Karin, loona baahan yahay in dhamaantood meesha laga saaro, sida ay ku taliyeen siyaasiyiin ka soo jeeda degaanada Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -