War deg deg ah: Rasaas culus iyo qaraxyo waa weyn oo ka dhacaya agagaarka Vila Somalia

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa wax yar ka hor salaadii maqrib ka bilowday agagaarka xarunta Madaxtooyada Somalia.

Xaalad jahwareersan ayaa ka aloosan agagaarka madaxtooyada iyadoo illaa hadda aan la ogeyn sida ay wax u socdaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen rag hubeysan uu xoog ku jiiray bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin agagaarka taalada Sayidka.

Ciidamada dowlada Somalia ee halkaas ku sugnaa ayaa rasaas ooda kaga qaaday, waxaana halkaas ka bilowday dagaal culus, iyadoo la maqlay illaa sadex qarax oo waaweyn.

La soco wixii soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -