Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhacay degaanka Moorigaabey & Al Shabaab oo..

Ciidanka Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Al shabaab ka fuliyay tuulooyin hoostaga degaanka Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog muujineysa in Khawaarijtu isku urursanayeen tuulooyinka Mudule Shegele, Ceel-Lahelay, iyo Bisigli

“Waxay halkaas ka soo abaabulayeen weeraro lagu waxyeeleynayo shacabka iyo amniga guud” ayuu yiri Taliyaha Guutada 9-aad, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xassan oo hoggaaminayay howlgalka

Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay dhowr jiho ka weerareen Al shabaab taasoo sababtay in ay si aan kala har lahayn uga cararaan goobaha ay isku uruursanayeen.

“Awoodda ciidanka XDS iyo weerarka qorsheysan ee lagu qaaday ayaa fashiliyey damacii Khawaarijta, waxaana la gaarsiiyay khasaare culus” ayuu yiri taliyaha.

Related posts

Wararkii ugu danbeyay dowladda oo war kasoo saartay go’aanka maxkamada ICJ ee dib u dhigista kiiska badda

admin

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo qaadacay doorashada gudoonka Guddiga Somaliand

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo aqbalay Codsigii dowladda Soomaaliya iyo howlgal cusub oo bilaabanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---