Kim Jong Un oo Cabsi badan ku beeray dadka Mareykanka iyo Gantaalada Nukliyeerka oo…

Hogaamiyaha Mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale jeediyay hanjabaad cabsi badan ku beertay shacabka Mareykanka, waxa uuna shaaca ka qaaday in Diyaar yihiin hubkooda Nukliyeerka xili kastana ay ku weerari karaan Mareykanka.

Kim Jong Un ayaa sheegay in dalka Mareykanka uu ku jiro xeyndaabka hubkiisa Nukliyeerka , waxa uuna intaa raaciyay in keebka laga rido hubka nukliyeerka uu miiska saaran yahay xili kastana suurto gal tahay in la rido.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi hadalkan uu ka dhawaajiyay in aysan aheyn hanjabaad balse ay tahay mid xaqiiqo ah, waxa uuna intaa raaciyay in Mareykanka xiligan aysan awoodon dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong Un ayaa sheegay in isticmaalka hubkooda nukliyeerka ah aysan ku deg degi doonin, waxa uuna tilmaamay in hubkaasi ay isticmaali doonaan kaliya marka uu amaankooda halis galo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo khudbad ka jeediyay Telefishinka dalkaasi ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dariskooda Kuuriyada Koonfureed.

Hanjabaadan cusub ee kasoo yeertay Kuuriyada Waqooyi ayaa cabsi badan ku beertay shacabka dalka Mareykanka, kuwaa oo filan kara hadii dagaal dhaco in Kuuriyada Waqooyi ay Mareykanka kusoo rido hubka nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -