Hogaamiyihii kooxda Daacish ee Woqooyiga Afrika oo duqeyn lagu dilay (Sawirro)

Hoggaamiyihii kooxda Daacish ee woqooyga Afrika Adnan Abdulwalid Al-Sahrawi ayaa la sheegay in ciidamada  Faransiiska ay ku dileen woqooyiga dalka Mali.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku xaqiijiyey dilka hogaamiyahan oo si weyn loo doon doonayey.

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish ee Waqooyiga Afrika ayaa lagu eedeeyey inay kooxdiisa ka dambeeyeen weeraro lagu dilay Muwaadiniin Maraykan,  Faransiis, Nigerian iyo kuwo kale.

Dowladda Maraykanka waxay Hoggaamiyahaasi dul dhigtay lacag dhan 5 million oo Dollar, kadib, dilkii ay Kooxdiisa u geysteen 4 Muwaadin oo Maraykan ah oo lala dilay 5 u dhalatay dalka Nigeria.

Ma jiraan Warar Madax bannaan oo xaqiijinaya dilka Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Waqooyiga Afrika, kooxdana wax war ah kama soo saarin illaa hadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -