Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay in dalku aaday doorasho qof & cod ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa.

Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, Gudoomiye ku-xigeenka, Mudane ๐’๐š๐š๐๐ข๐ช ๐€๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐†๐š๐ซ๐š๐š๐ iyo qaar ka mid ah Xubnaha GMDQS.

Diiwaanhayaha Guddiga Mudane ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ Xaydara oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Ururka Cusub ee ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š iyo hab-raacyadii uu soo maray.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya Dr. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐’๐ก๐ข๐ข๐ค๐ก ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ oo gudoomay shahaadada ayaa Guddiga ku amaanay shaqada wanaagsan ee uu u haayo umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo shahaadada Gudoonsiyey ururka ayaa sheegay in Ururka midowga Soomaaliya maanta la gudoonsiiyey shahaadada Rasmiga ah ee Ururnimo, Ururro kalena ay soo dhameystiri doonaan shuruudaha looga baahanyahay oo ay wadada ku soo jiraan.

Gudoomiye Cabdikariim ayaa sheegay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod ah si xor iyo Xalaal ahna loogu tartami doono.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Anita Kiki kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo nolosha ku qabatay askar katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---