Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo kasoo laabatay Fasaxa Umusha (Daawo Sawirro)

Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka New Zealand Jacinda Ardern , ayaa kasoo laabatay lix todobaad ay ku maqneyd fasaxa umusha, waxa ayna hada si toos ah u bilowday shaqadeeda caadiga ah kadib markii umushii ay ka baxday.

Jacinda Ardern oo 38-sano jir ah ayaa bishii July umushay cunugeeda curudka ah, waxa ayna noqotay Ra’isul Wasaaraha New Zealand haweeneydii labaad oo iyada oo xil sare heysa cunug dhasha .

Haweeneydan ayaa intii ay Umusha ku jirtay waxa ay xilkeeda kusii wareejisay kuxigeenkeeda, waxaana la sheegay in xitaa lagala tashan jiray arimo badan intii ay Umusha ku jirtay Jacinda.

Muuqaal ay soo duubtay Sabtidii ayey Haweeneydan Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka New Zeland ku sheegtay in shaqadeeda ay dib ugu soo laabaneyso , waxa ayna shaacisay waxyaabaha ugu horeeyo ay qaban doonto marka ay xafiiska kusoo laabato.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Benazir Bhutto ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay ee Umusha iyada oo Ra’isul Wasaare ah sanadkii 1990-kii, waxaana Jacinda Ardern iyaduna noqotay haweeneydii labaad ee Ra’isul Wasaare ah ee Umusha.

Jacinda Ardern – Baby intro, Neve

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -