Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo la kulmay Saraakiil ciidan oo Taiwan loo qaadayo

Madaxweynaha  Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)(oo wehelinayaan Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Milatariga, Safiiro iyo hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta kulan ballaadhan la yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada milatariga iyo Booliska oo Deeq Waxbarasho ka helay  Taiwan

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa iyaguna goob joog ka ahaa hadalna ka jeediyey Wakiilka maamulka aan la aqoonsaneyn ee  Taiwan u fadhiya Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn Taiwan uga mahad naqay deeqaha waxbarasho iyo mashaariicda horumarneed ee ay Taiwan ugu deeqdo Somaliland, isaga oo tibaaxay in ay Taiwan sii ballaadhin doonto taageeradooda.

Kulankan ayaa ahaa mid tusaale cad u ah sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD uga go’an tahay casriyeynta iyo kor u qaadista aqoonta Ciidamada Somaliland, iyada oo si joogto ah loogu tayeynayo Waxbarasho sare iyo tababarro casri ah.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ku bogaadiyay dedalkooda, adkeysigooda, iyo heerkooda aqooneed taasoo ay ku kasbadeen in ay helaan fursaddan qaaliga ah. Madaxweynuhu waxa uu Saraakiisha u sheegay in aqoonta iyo khibradda ay ka korodhsan doonaan fursaddan waxbarasho ee qaaliga ah ay hiigsi dhab ah iyo hiraal wacanba u tahay hoggaaminta jiilka cusub ee Ciidanka  Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Saraakiisha Ciidamada kula sii dar daarmay in ay si dhab ah u metelaan Qiyamka iyo Quruxda uu leeyahay Qaranka Somaliland, sida oo kalena ay si wanaagsan uga soo dhalaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dalka dib ugula soo noqdaan fikrado cusub iyo habka ugu habboon ee lagu casriyeyn karo Ciidamada Qaranka JSL.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Madaxweynaha  Somaliland mar kale ku xaqiijinayo sida ay Xukuumaddiisa uga go’an tahay in Ciidamada lagu maalgeliyo aqoon sare, tababarro, qalab iyo saanad casri ah, maadaama ay Ciidamadu udub-dhexaad u yihiin Amniga iyo horumarka dalkeen

Ugu dambayntii, Madaxweynaha maamulka  Somaliland waxa uu shahaadado guddoon siiyey xubnaha ka tirsan Ciidamada Qaranka ee Deeqda Waxbarasho ugu baxayey dalja Taiwan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waare oo Magacaabay xubnaha Hirshabelle ku metelaya guddiga doorashada (Magacyada)

Caydiid Ali

Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal Maraykanku ka naxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo arrimo kala duwan kala hadlay Camar Axmed Baabakar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---