Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo arrimo kala duwan kala hadlay Camar Axmed Baabakar (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Camaar Axmed Baabakar Cali.

Sheekh Aadan Madoobe iyo safiirka ayaa kulanka ay maanta yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan, iyo sidoo labada dal oo xaalado adag ka jiraan isku kaashan lahaayeen.

Safiirka ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee wadanka Suudaan, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay garab taaganyihiin walaalahooda Suudaan, si la mid ah sidii walaalaha Suudaan ay u garab taagnaayeen xiliyadii adkaa.

Dalka Sudan ayaa colaad sukeeye oo socota muddo sannad ka badan dhaxda ka galay, waxaana colaada dalkaasi ay saameyn badan ku yeelatay arday badan oo Soomaaliyeed oo wax ku baranayay jaamacadaha dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta jeediyey hadal aad loola yaabay

admin

Mukhtaar Roobow & xubno la socday oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faransiiska oo 10 sano ka dib ciidankiisa kala baxaya Mali & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---