(Akhriso) Jubballand oo jawaab ka bixisay Qoraalkii ka soo baxay golaha aqalka sare

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii kasoo baxay golaha Baarlamanka Aqalka sare ee la xiriiray khilaafaadka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada

Nuxurka Jawaabta Jubbaland

1) Jubbaland waxay soo dhowayneysaa qoraalka kasoo baxay Aqalka sare kaasoo caddeynaaya ka garaabidda wixii la isku hayey ee salka u ahaa khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada.

2) Jubbaland waxay sugeysaa jawaabta fulinta qodobada kusoo baxay qoraalka golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare.

3) Jubbaland waxay umadda Soomaaliyeed u caddeyneysaa in nuxurka qodobadii la isku hayey qayb kamid ah ay yihiin kuwa ay qeexeen Aqalka sare, taas oo ah sababta ay Dowlad-goboleedyadu u dalbadeen daraf saddexaad, sida Aqal sare, si damaanad qaad loogu helo heshiisyada Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

4) Jubbaland waxay u caddeyneysaa umadda Soomaaliyeed in qaar kamid ah qodobadii ay Dowlad-goboleedyadu u gudbiyeen Aqalka sare aan lagu xusin qoraalka hadda kasoo baxay Aqalka sare, kuwaasi oo ay ka mid yihiin hab raaca garsoorka iyo fulinta heshiisyadii horay loo galay, qodobadaas waxay kamid ahaayeen heshiiskii wasaaradda caddaaladda Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha caddaaladda Dowlad-goboleedyada 24-bishii January ee sanadkan ku dhexmaray magaalada Jowhar.

5) Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni wuxuu sheegay in Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadu ay soo saarayaan war-muriyeed faahfaahsan oo ay kaga jawaabayaan qoraalka kasoo baxay golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare

6) Ugu dambeyn Wasiir Xirsi Gaanni Jaamac wuxuu sheegay in go’aanka ay soo saareen golaha Aqalka sare uusan ka dhigneyn gaba-gabada khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee uu yahay wejiga koowaad ee xal u helidda khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -