Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay in xogta dagaalka ay wadaan aysan ku aamini karin DFS sababo la xariira in…

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta d Puntland ayay ku caddaysay in aan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu aamini karin xogta ku saabsan hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada, maadaama DFS ay ka tirsan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyaashii Al Shabaab.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale saaxiibada caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan hawlgalka lagu baabi’inayo argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen kooxahaasi.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha curka, rasaasta iyo saadka lama huraanka u ah ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah.

Related posts

Wasiir Wax aan laga fileyn ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Waa Maxay Ifafaalaha muuqda ee Deyn cafinta Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland iyo Wasiir kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---