Casho Sharaf Bujambura loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Burundi ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyay caasimada dalkaasi ee Bujambura.

Pierre Nkurunziza Madaxweynaha dalka Burundi ayaa casgho sharafta u sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday, waxa ayna Casho sharafta aheyd mid lagu soo dhaweenayay Madaxweyne Farmaajo.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray dalka Burundi oo kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Burundi ay kulan gaar ah yeeshaan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Burundi ayaa kusoo aadaya xili dalkaasi lagu qasbayo ciidamada ka jooga Soomaaliya in ay dhimaan , waxa ayna  Bunrundi ka biyo diidan tahay in ay ciidamada ka jooga Somaaliya ay dhinto.

- Advertisement -