Dil argagax leh oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Xaafadda Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay haweeney la sheegay iney xaamilo aheyd ka dib markii uu toorey ku dhuftay nin ay deris ahaayeen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dilka ka hor ay ninkan is af-gaareen xaaskiisa, ka dibna isagoo careysan uu toorey ku weeraray haweeneyda xaamilada ah oo deriskiisa aheyd oo gurigeeda iska joogta, isagoo ku eedeynaya iney isku direysay isaga iyo xaaskiisa.

“Ninkan iyo xaaskiisa dagaalkooda ayaa badnaa mar walba oo ay isqabtaan xaasku waxay u carari u jirtay gabadha xaamilada ah gurigeeda, taas ayaana sababtay in ninkan uu dilo, isagoo aaminsan iney xaaskiisa ku direysay” sidaa waxaa yiri nin ka tirsan dadka degaanka.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, waxaana baadi goob ugu jira ciidanka booliska degmada Hodan oo gaaray xaafada uu dilku ka dhacay.

Marxuumada geeriyootey ee xaamilada ahayd oo la oran jiray Dhoofo Diiriye Gabayre  ayaa ifka kaga tagtay 4 carruur ah oo yar yar, waxaana dilkan aad uga argagaxay dadka degaanka oo si weyn u garanayey haweeneyda nafteeda la dhaafiyey iyo ninka dilay.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii labaad ee 24 saac gudahood lagu dilo haweeney xaamilo ah, xalay ayeyna aheyd markii masuul ka tirsan maamulka Hirshabelle uu magaalada Jowhar ku dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -