Allbanaadir.com
NEWS

Laamaha amniga DF oo kulan deg deg ah iskugu yimid (Sawirro)

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha Amniga Caasimada qeybahooda kala duwan Boliiska, NISA iyo  Boliisiiya Military.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca Amniga ee Caasimadda Muqdisho iyo qorshaha sugida Amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Saraakiisha Qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugida iyo Booliisiya Miletare ku booriyay adkeynta Amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ee dalka

Related posts

Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo AMISOM oo xalay la weeraray

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo burburiyey Maxkamad Al-shabaab ku laheyd Sh/hoose (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka socda degaanka Bohol oo farsiisin u ah Shiikh Shaakir & ciidamadiisa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---