Maxaa ka socda degaanka Bohol oo farsiisin u ah Shiikh Shaakir & ciidamadiisa?

Wafdi iskugu jira Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo ganacsato ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sugan degaanka Bohol oo fariisin u ah Shiikh Shaakir iyo ciidamadii ahlu sunna ee dhowaan ka dagaalamay degmada Guriceel.

Wafdiga waxaa horkacaya Gen. laba Afle oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan gaaray Dhuusamareeb, waxaana lagu soo waramayaa iney kulamo la qaateen madaxda Galmudug, iyagoo haatana la kulmay hogaanka ahlusunna.

Generalka iyo xubno Masuuliyiin ah oo wehliya ayaa la soo sheegayaa in Bohol ay u gaareen xallinta tabashada Ahlu sunna isla markaana khliaafka hoggaanka Ahlu sunna iyo Galmudug xal nabadeed looga gaari lahaa, Ganacsade Xaashi carrabey  iyo masuuliyiin kale ayaa waan waanta qeyb ka ah.

Xubnahan ayaa isku dayaya iney Shiikh Shaakir iyo ciidamadiisa ku qanciyaan hubka iney dhigaan, isla markaana tabashadooda ay ku soo gudbiyaan qaab wadahadal, inkastoo aan la ogeyn sida ay taas u aqbali doonaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhowaan sheegay inuusan maamulkiisa aqbaleyn kooxo hubeysan ay dhex jooga degaano ka tirsan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -