Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo AMISOM oo xalay la weeraray

Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Buulo-Burte Cismaan Geeddi ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare.

“Rasaasta waxay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde, ciidamada dowlada iyo AMISOM wax khasaaro ah kama kasoo gaarin weerarkan, cadowgana si xun ayaa loo jebiyey” ayuu intaas ku daray Cali Geeddi.

Al-Shabaab kama hadlin weerarkan, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay balse waxaa uu ku soo aaday xili shalay gelinkii dambe ay ciidamada dowladda & kuwa AMISOM la wareegeen degaanka Buurweyn oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -