Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Algeria Mr. Abdelkrim Bouzred oo sidoo kale ah shir-gudooonka kulamada shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.
Kulanka labada Wasiir oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga arrimaha dhaqalaalaha, maadaama Dowladda Algeria ay ka mid aheyd xubnihii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.
Wasiiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa dhiggiisa Algeria warbixin buuxda ka siiyay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee la doonayo in lagu maalgaliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.