Allbanaadir.com
NEWS

Rag loo heysto taageerada kooxda daacish oo lagu xiray Garowe

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah:

  1. Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad
  2. Fahad Maxamed Abshir
  3. Caamir Cabdi Muuse Cabdi

Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta koox Daacish. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.

“Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

Related posts

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Xog ku aadan halka la geeyay Ciidamada Xasilinta ee laga wareejiyay Koontaroolo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Askar badan oo Muqdisho ka geesatay dil, dhaawac iyo dhac oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---