Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha NISA oo dhaawacyo ku booqday isbitaalo kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa isbitaallada magaalada Muqdisho ku booqday askar dagaal kusoo dhaawacantay.

Sanbaloolshe ayaa si gaar ah u booqday dhaawacyada ciidamada Qaranka iyo ciidanka dadka deegaanka ee ku soo dhaawacmay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagula dagaallamayay Al Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa si uu ugu kuurgalo xaaladdooda caafimaad mid mid u dul istaagay dhaawacyada geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho, wuxuuna adkeeyay dadaalka dowladda ee daryeelka iyo daweynta Ciidamada.

Askartan uu caawa booqday taliyaha NISA ayaa kusoo dhaawacmay weeraro Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanno iyo degmooyin kuyaallq gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan, waxaa sidoo kale dagaalladaasi ku dhintay askar kale.

Related posts

Rag caawa weeraray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga DF oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Caydiid Ali

Labo qarax oo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---