Allbanaadir.com
NEWS

Rag caawa weeraray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga DF oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka boliiska ee howlgala degmada Dayniile  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo kuwaasoo la sheegay in ay weerar ku qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggan la qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, taasoo ay doonayeen iney ku baxsadeen.

Sidoo kale booliiska ayaa ka helay mootada raggan ay la socdeen qori RBG ama baasuuke ah sida Soomaalidu u taqaano.

“Ciidanka ayaa raggaan soo qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagarqabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxayna haatan ku jiraan gacanta ciidanka amniga,” ayaa lagu yiri qoraal uu warbaahinta kooban oo ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Qabashada kooxdan ayaa timid xilli saacad ka hor caawa Xarunta Wasaaradda gaashaandhigga laga maqlay qaraxyo ka dhashay qoriga RBG ama Baasuukaha ii xaruntaas lagu weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog:- Maxay ku kala duwan yihiin Farmaajihii shalay iyo kan Maanta?

Caydiid Ali

Ibraahim Dheere oo Codsaday in Soomaaliya laga cafiyo Deynta lagu leeyahay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka dalka oo Madaxweyne Bazoum kala hadlay hal arrin oo Muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---