Labo qarax oo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Labo qarax ayaa galabta casar gaabadkii iyo caawa ka kala dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa la soo sheegay inuu ka dhacay degmada Dharkeynley ka dib markii Gaari waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen uu ku qarxay xaafadda Nuur Aduunyo ee degmadaas kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Qaraxa oo ka dhashay Miinadda nooca gaadiidka loogu qariyo dadka la doonayo in la qaarajiyo ayaa waxaa lagu xiray gaari noociisu yahay SURF oo la sheegay inuu lahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle .

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga qaraxa lagu xiray uu hor yaalay guri ku yaalla Xaafadda Nuur Aduunyo, iyadoo C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ka shakiyayna uu u yeeray ciidamada Ammaanka ee degmada oo goobta soo gaaray.

Balse gaariga ayaa qarxay xili ciidamadu ay isku dayayeen iney ka furaan miinada ku xiran, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo goobaha caafimaadka loo qaaday.

Dhinaca kale, qaraxa kale ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib markii bam nooca gacanta laga tuuro lagu weeraray xarunta maamulka degmada Waaberi.

Ciidanka ilaalada xarunta ayaa rasaas furay qaraxa kadib, iyagoo howgalo ka bilaabay xaafadaha ku dhow xarunta degmada Waaberi, lamana oga illaa hadda khasaare ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -