Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Waxaa goor dhow  ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir  Maxamed Cabdalla Caaqil oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay aqalka dowlada hoose ee Muqdisho.

Xaaladda Caaqilka ayaa aad u liidatay, Ogsijiin ayaa ku xirnaa taasoo sababtay in laga reebo dayuuradii dhaawacyada u qaaday magaalada Doha ka dib markii ay saamixi weysay in laga furo maadaama uu neefta halkaas ka qaadanayay sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitaalka.

Marxuum Max’ed Cabdalla Caaqil ayaa ka mid noqonaya Gudoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo howlwadeeno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ku naf waayey qaraxii maalmo ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Benaadir.

Guddoomiyihii gobolka Benaadir iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa loo qaaday magaalada Doha Qatar, halkaasoo lagu daweynayo haatan iyadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab lagu sifeeyey qiyaamihii oo qabsaday degaan ku yaalla woqooyiga Britain (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Liibiya: Aas wadareed loo sameynayo Meydadka kumanaan qof (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Toos u Daawo Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socota magaalada Garawe

Cabdi Cade